Talaado, Agoosto 12, 2025 (HOL) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga siyaasadeed ee JSP, ayaa si rasmi ah isu diiwaangeliyay doorashada hal qof iyo hal cod ah, waana tallaabo muhiim ah oo uu ku muujinayo taageeradiisa buuxda ee hirgelinta nidaamkaas doorasho.