Sabti, September 27, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo intii uu socday kulanka Qaramada Midoobay wax laga weydiiyay arrimaha Somaliland, ayaa sheegay in dadka Somaliland ay dhiig, diin iyo dhaqanba la wadaagaan shacabka Soomaaliya, sidaas darteedna ay ka shaqaynayaan sidii loogu qancin lahaa midnimada.