Arbaco, September 3, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad kooban oo barqanimadii maanta ka dhacay Xaafada Buundoweyn ee Magaalada Baledweyne, kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab ka helaayay askar ka tirsan ciidanka Militeriga gobolka Hiiraan.