Sabti, October 25, 2025 (HOL) – Warbaahinta Middle East 24 ayaa sheegtay in ilo ka tirsan qaar ka mid ah warbaahinta Afrika ay u xaqiijiyeen in Mareykanka, UK, Israa’iil, Imaaraadka Carabta (UAE) iyo 20 dal oo kale ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay ee heshiis lagu aqoonsanayo Somaliland bilaha soo socda.