Sabti, October 25, 2025 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, iyo madaxda sare ee Shirkadda Favori, oo gacanta ku haysa maamulka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.