Khamiis, November 6, 2025 (HOL) – Ciidanka Midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad-badeedda ayaa markab dagaal u diray xeebaha Soomaaliya kaddib markii koox looga shakisan yahay budhcad-badeednimo ay isku dayeen in ay bartilmaameedsadaan maraakiib ku sugan aaggaas, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah Arbacadii.