Musharixiinta maamulka Waqooyi Bari oo ka horyimid guddiga doorashada oo ay magacowday dowladda Federaalka

Axad, Agoosto 3, 2025 (HOL) – Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku cambaareeyeen qaabka loo wado doorashada maamulka cusub. Musharraxiintu waxay muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan faragelin ay sheegeen inay ka imaanayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasiir Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo lagu eedeeyay inuu si toos ah u taageerayo koox gaar ah si ay ula wareegaan hoggaanka maamulka.

Akhri Warbixinta Dhammeystiran (Read More)

Main Menu