Khamiis, Luulyo 17, 2025 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Cabdikariim Axmed Xasan.