Jimco, Agoosto 29, 2025 (HOL) – Warbixin uu daabacay telefishinka Fox News ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu tixgelinayo qorshe istiraatiiji ah oo Afrika ku wajahan, kaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo saameynta Shiinaha iyo Ruushka isla markaana lagu xakameeyo kooxaha argagixisada. Qorshahan ayaa Somaliland ka dhigaya xudun muhiim ah oo Maraykanku uu ku yeelan karo saldhig ciidan iyo dhaqaale oo cusub.