Axad, October 19, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta shir guddoomiyay shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee magaalada Muqdisho.