Jimco, September 26, 2025 (HOL) – Mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ciidammada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay xireen saddex qof oo caan ah, kuwaas oo kala ah Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale.