Khamiis, Luulyo 31, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Charles King, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.