Isniin, Agoosto 18, 2025 (HOL) – Somaliland ayaa dowlada Turkiga ku eedaysay in uu ka shaqaynayo qorshe lagu khalkhalgelinayo, iyada oo ka biyo diiday kulan uu Safiirka Turkiga ee Soomaaliya la yeeshay Suldaan Abuubakar Wabar, oo dhawr jeer weeraro jabhadeed ka fuliyay gobolka Awdal.