Talaado, Agoosto 26, 2025 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaalam Cabdi Cali, ayaa si adag uga hadlay xaaladda adag ee ay wajahayaan shacabka Falastiin, gaar ahaan dadka ku nool Gaza, intii uu khudbad ka jeedinayey shirka degdegga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Jeddah.