Talaado, Luulyo 29, 2025 (HOL) – Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa soo saaray war uu kaga jawaabayo hadallo iyo eedeymo kasoo yeedhay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, kuwaas oo lagu diidanaa heshiiskii dhawaan dhexmaray Taiwan iyo Somaliland ee ku saabsanaa iskaashiga dhinaca ilaalinta xeebaha.