Isniin, Agoosto 18, 2025 (HOL) – Xiriirka Kubadda Cagta Uganda (FUFA) ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay codsi uga yimid Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ah in kulan katirsan isreebreebka koobka Adduunka 2026 lagu qabto Kampala, kaddib markii Soomaaliya ku guuldareysatay inay hesho garoon ay FIFA iyo CAF oggolaadeen in lagu ciyaaro.