Talaado, Luulyo 8, 2025 (HOL) – Madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle ahna Ku xigeenka Xog-hayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada qaar in ay ka jeesteen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, isla markaana uu dagaalkii qaran ee kooxdaas lala galay kusoo ururay hal deegaan oo keliya.