Isniin, November 3, 2025 (HOL) – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Federaalka ayaa shaqo joojin ku sameysay Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (SOC), Axmed Cabdi Xasan Wataac iyo Maxamed Cabdow Xaaji, kuwaas oo loo haysto eedo ku saabsan hab-dhaqankooda.