Axad, Luulyo 13, 2025 (HOL) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, kuwaas oo uu hoggaaminayey Iskuduwaha Barnaamijka Hubka ee INTERPOL, Joaquim Rodrigues, kaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.