Axad, September 21, 2025 (HOL) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si cad ugu muujiyey taageero Congress-woman Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, taasoo keentay fal-celin siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba laga dareemay.