Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa magaaalda London ee dalka Ingiriiska lagu Guddoonsiiyay Billada Wasiirka Maaliyadda Afrika ee sanadkaan 2025-ka. Billadaan oo ah abaalmarin caalami ah oo loo tartamo ama qaab online ah loogu coodeeyo Wasiirka ugu wanaagsan Afrika ee Maaliyadda sanad kasta, ayaa waxa Guddoonsiiyay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Madasha African Leadership Magazine.