Sabti, Luulyo 26, 2025 (HOL) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarro isdaba joog ah oo uu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku qaaday maamulka Jubbaland, gaar ahaan kuwa ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.