Isniin, November 10, 2025 (HOL) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ayaa soo saartay digreeto ay ku amrayso Guddoomiyaha Gobolka Selel in aan lagu qaban karin gudaha gobolkaasi shirar, kulamo ama isu-soo-baxyo aan oggolaansho rasmi ah ka haysan Xukuumadda Somaliland.