Jimco, Agoosto 1, 2025 (HOL) – Kooxda Xuutiyiinta ayaa dhawaan weerar ku qaaday oo quusisay markabka ganacsi oo lagu magacaabo Eternity C horaantii , kaasoo kasoo baxay Soomaaliya isagoo siday gargaar bani’aadamnimo oo uu u waday Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay. Markabku waxa uu ku sii jeeday Sucuudi Carabiya, balse Xuutiyiintu waxay ku andacoodaan in uu ku socday Israel.