Isniin, October 27, 2025 (HOL) – Wasiirka Gaadiidka ee Yemen, Dr. Cabdisalaam Xamid, ayaa magaalada caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan, kulan kula yeeshay safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulhakiim Maxamed, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka badda iyo hawada.