Isniin, October 20, 2025 (HOL) – Ciidanka gaarka ah ee 444-aad ee dalka Libya ayaa ku guuleystay hawlgal samatabixin ah oo lagu soo badbaadiyay 23 muwaadin oo Soomaaliyeed oo 13 dumar ah iyo 10 rag ah iskugu jiray, kuwaas oo la sheegay in si sharci darro ah loogu haystay xarun ay gacanta ku hayeen koox burcad ah.