Isniin, October 20, 2025 (HOL) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska hordhaca ah ee cod-bixiyeyaasha gobolka Banaadir, iyagoo sheegay in 923,220 qof ay iska diiwaangeliyeen 16-ka degmo ee horey loogu asteeyay caasimadda Muqdisho.