Khamiis, October 30, 2025 (HOL) – Doon ganacsi oo lagu magacaabo “Fazle Rabbi” (M.S.V. 2192) oo laga leeyahay dalka Indiya ayaa ku gubtay xeebaha Soomaaliya markii dab si lama filaan ah uga kacay qolkii matoorka, taasoo gebi ahaanba baabi’isay markabka.