Khamiis, October 30, 2025 (HOL) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu ansixiyay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xeerka Qoondada Miisaaniyadda Qaranka ee 2026, iyo laba heshiis is-afgarad oo Soomaaliya kala saxiixatay dowladaha Uganda iyo Qatar.