Khamiis, October 30, 2025 (HOL) – Dowladda Jabuuti ayaa maanta oo Khamiis ah qabatay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 25 guuradii Shirkii Nabadda ee Carta, shir taariikhi ah oo sanadkii 2000 lagu dhisay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya (TNG), taasoo astaan u ahayd dib u soo nooleynta dowladnimo Soomaaliyeed kaddib ku dhowaad toban sano oo dagaal sokeeye ah.