Arbaco, October 29, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabad lagu xusayo 25-sano guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Carta sanadkii 2000.