Khamiis, October 30, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta ka hadlaayay munaasabad lagu xusaayay 25 sano guuradii kasoo wareegatay dib u dhiskii dowladda Soomaaliya ee sanadkii 2000, oo lagu qabtay magaalada Carta ee dalkaasi Jabuuti ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed haatan yihii kuwa dhisan kara dalkooda.